Thomas Tuchel Oo Maamulka Chelsea U Diray Fariin Ku Aadan Mustaqbalka Antonio Rudiger.

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dalbaday madaxda kooxda inay fuliyaan dalabka Antonio Rudiger.

Xiddiga reer Germany ayaan seegin hal daqiiqo oo premier League ah xilli ciyaareedkan waxana uu door weyn ka ciyaaray ku guulaysigii chelsea ee champions League

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan Blues tan ilaa markii uu Tuchel yimid waxana heshiiskiisa kooxda ka dhiman 9 bilood oo kaliya.

Sida laga soo xigtay Express Sport, Tuchel ayaa maamulka kooxdiisa ugu baaqay in ay ogolaadaan dalabka Rudiger waliba heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga sida ugu dhakhsaha badan.

Wararka ayaa sheegaya in ayna chelsea wax horumar ah ka samayn wadahadalada heshiis kordhinta ah ee ay kula jirtay xiddiga reer Germany.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*