Thomas Tuchel Oo Kashifay Wakhtiga Ay Chelsea U Tartami Doonto Ku Guulaysiga Premier League.

Tababaraha Kooxda chelea ee Thomas Tuchel ayaa kashifay wakhtiga ay kooxda chelsea u tartami doonto horyaalka premier League.

Thomas Tuchel ayaa sheegay in ay chelsea xilli ciyaareedka dambe u tartami doonto ku guulaysiga horyaalka premier League.

Tababarihii hore ee kooxda PSG ayaa noqday badalka Frank Lampard kaas oo shaqada laga caydhiyay Isniintii la soo dhaafay.

Tababare Tuchel ayaa noqday tababarihii 15-aad ee kooxda chelsea tan ilaa markii uu Roman Abramovich noqday milkiilaha kooxda Blues.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta kaalinta 8-aad iyaga oo 11 dhibcood ka dambeeya kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Man City.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka runta laga hadlo waa in aan diyaar noqono bilowga xilli ciyaareedka dambe”.

“Waa in aan diyaar u noqono in aan tartano, Chelsea waxa ay xilli ciyaareedka dambe noqon doonta koox  tartanta koobabka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*