Thomas Tuchel Oo Kashifay Laba Xiddig Oo Dhaawac Ku Seegi Kara Kulanka Tottenham Ee Caawa.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay laba xiddig oo kooxdiisa ah kuwaas oo dhaawac ku seegi kara kulanka adag ee caawa premier League.

Thomas Tuchel ayaa sheegay in ay xiddigaha Kurt Zouma iyo Kai Havertz dhaawac ku seegi karaan kulanka Tottenham ee caawa premier League.

Tababaraha Blues ayaa sheegay in ay labada xiddig dhaawacyo yar-yar kala kulmeen tababarkii ugu dambeeyay sidaas darteed la qiimayn doono xaaladooda.

“Xaaladooda dhaawacu waa mid yar waxa ay dhaawacyo yar-yar kala kulmeen tababarka”ayuu Tuchel yidhi.

“abada xiddigaba waxa aan ka saarnay tababarka waxana aan eegi doonaa sida ay xaaladoodu noqoto sidaas darteed shaki ayaa ku jira in ay ciyaaraan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*