Thomas Tuchel Oo Kashifay Arinta Man City Ka Caawisay In Ay Dheeraysato Hogaanka Horyaalka Premier League

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa sheegay in dhaawacyada yar ee Man City iyo waliba kiisaska yar ee xanuunka Korona ay door ka qaateen tartanka horyaalka premier League.

Inkasta oo ay hogaanka u hayeen horyaalka premier league bilowgii xilli ciyaareedka hadana Blues ayaa haatan 10 dhibcood ka dambaysa kooxda Man City.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Farqiga ugu weyn ee xilli ciyaareedkan horyaalka ayaa ah in ayna Man City la kulmin dhaawacyo isl markaas aan xiddigohooda laga helin xanuunka Korona”.

“Waxa laga yaabaa in ay nasiib leeyihiin ama ay shaqo fiican qabteen laakiin dhaawacyo badan lama kulmin xiddigeheeda ugu muhiimsan sidoo kale xanuunka Korona kagama maqnaan xiddigaha ugu muhiimsan kooxda”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*