Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Xaalada Xiddigaha N’Golo Kanté & Christian Pulisic Ka Hor Kulanka Champions League.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in xiddigaha N’Golo Kanté & Christian Pulisic seegi doonaan kulanka Zenit ee champions League ee Salaasada.

Chelsea ayaa habeen dambe la ciyaari doonta kooxda reer Russia ee Zenit kulan ka tirsan furitaanka labada kooxood ee wareega Group-yada champions league xilli ciyaareed.

Tababare Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Christian Pulisic lama tababaran kooxda wali waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan 10 maalin walina waxa uu ku jiraa soo kabasashada dhaawaca”.

“Dhanka kale Kante waxa uu qaatay laba tababar laakiin kulanka champions league waxa uu ku yahay mid deg-deg ah sidaas darteed ma doonayno in aan halis galino”.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*