Thomas Tuchel Oo Ka War Bixiyay Xaalada Mason Mount Ka Hor Kulanka Juventus.

Thomas Tuchel ayaa qirtay inuusan hubin in Mason Mount uu soo kaban doono waqtigiisa si uu u ciyaaro kulanka wareega group -yada Champions League ee ay Arbacada la ciyaarayaan Juventus.

Mount, oo seegay guuldaradii Sabtidii ka soo gaartay Manchester City sababo la xiriira ‘jug yar’ oo soo gaartay kulankii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Aston Villa todobaadkii hore, ayaa qeyb muhiim ah ka ahaa qorshayaasha Tuchel tan iyo markii uu tababaraha reer Jarmal yimid kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Ka dib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu u soo bandhigay Chelsea labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, Mount ayaa sidoo kale xubin muhiim ah ka noqday xulka England ee Gareth Southgate wuxuuna xitaa bilaabay finalkii Euro 2020 oo ay la ciyaareen Italy bishii July.

Tuchel ayaa xaqiijiyay inuusan weli ogeyn in ciyaaryahanka khadka dhexe ee England uu diyaar u noqon doono inuu ka horyimaado kooxda reer Talyaani habeenka Arbacada.

“Xaqiiqdii ma garanayo, waa inaan aragnaa. Ugu dambayntii waxay noqon doontaa saacado in la ogaado inuu ciyaari karo iyo in kale”ayuu u yidhi.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*