Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Saxiixa Cucurella, Mayay Chelsea Ku Dhawdahay In Ay Dhamaystirto?

Tababaraha Kooxda kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya xiddiga daafaca ka ciyaara ee Marc Cucurella.

Chelsea ayaa la sheegayaa in ay ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Marc Cucurella si ay uga dhigaan saxiixooda cusub ee suuqa xagaaga.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa la sheegayaa in uu tijaabada caafimaadka u maray kooxda chelsea haatana ka dhimantahay heshiiska in lagu dhawaaqo oo kaliya.

Tababare Tuchel ayaa xiddiga Marc Cucurella wax laga waydiiyay intii uu ku jiray shirka ka horeeya kulanka Everton ee horyaalka premier Leaue ee sabtida.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Saxiixa Marc Cucurella waxa la dhamaystirayaa warqadaha kala duwan ee heshiiska”.

“Waxa aan haatan odhan karo ayaa ah Marc Cucurella waa ciyarto cajiib ah oo ka ciyaari kara boosas kala duwan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*