Thomas Tuchel Oo Diiday In Uu Qiimeeyo Qaab Ciyaareedka Aubameyang Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Blues.

Thomas Tuchel ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedka Chelsea ee guuldaradii lama filaanka ahayd ee 1-0 ay ka soo gaartay Dinamo Zagreb ee Champions League habeenkii Salaasadii isaga oo diiday in uu qiimeeyo qaab ciyaareedka Pierre-Emerick Aubameyang.

Blues ayaa maamushay ciyaarta laakiin kooxda reer Croatia ayaa ahayd kooxda fursadaha fiican heshay iyaga oo guuldaradii ugu horaysay dusha u saaray Chelsea.

Kooxda Tuchel ayaa ku fashilantay in ay shabaqeeda ilaashato tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka kulankii Everton ee premier League xilli ay guuldaradii Zagreb ka soo gaadhay ay ahayd guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah kulamada martida.

Markii wax laga weydiiyay bandhigga kooxdiisa ciyaarta ka dib, Tuchel ayaa u sheegay BT Sport:”Waxa uu ahaa qaab ciyaareed aad u liita”.

“Waa sheekada nagu dhacday ilaa haatan xilli ciyaareedka, si fiican ayaan u bilaabanay laakiin waxa aan ku dhibaatoonay in aan dhamaystirno fursadaha aan helnay”.

Tuchel ayaa la waydiiyay qaab ciyaareedka Aubameyang waxana uu yidhi”Ma doonayo in aan hal shaqsi ka hadlo, waxa aan u ciyaarnay koox ahaan, waxana nalooga badiyay koox ahaan”ayuu sii raaciyay.