
Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee chelsea ah ee shabaqiisa ilaashada 3-da kulan ee ugu horeeya muddo 17 sano ah.
Tan ilaa markii uu Shaqada ka badalay Frank Lampard todobaadkii chelsea Tuchel ayaa Blues ku hogaamiyay 7 dhibcood oo ka yimid 2 guul iyo hla bar-baro.
Kooxda Chelsea ayaan wax gool ah laga dhalin 3-dii kulan ee ay ciyaartay iyada oo horumar ka samaysay dhanka daafaca.
Kadib guushii ay chelsea xalay ka gaadhay Tottenham Tuchel ayaa bar-bareeyay rikoodh uu jose Mourinho dhigay markii ugu horaysay ee uu tababaraha u noqday kooxda.
Mourinho ayaa shabaqiisa ilaashaday 3-dii kulan ee ugu horeeyay ee uu chelsea hogaamiyay sanadkii 2004 isaga oo ka hor tagay kooxaha Manchester United, Birmingham City and Crystal Palace.
Be the first to comment