Thomas Tuchel Oo Bar-Barayn Doona Rikoodh Uu Jose Mourinho U Dhigay Chelsea.

Thomas Tuchel ayaa barbarayn doona rekoodh uu haysto Jose Mourinho marka ay Chelsea la kulanto Liverpool finalka FA Cup galabnimada sabtida.

Xilli ay Liverpool sidoo kale ku tartamayso premier League iyo champions League, kulanka ayaa sidoo kale go’aamin doona in ay chelsea koob ku dhamaysato xilli ciyaareedka iyo in kale.

Si kasta ha ahaatee wax walba oo ka dhaca kulanka Final-ka, Tuchel ayaa bar-barayn doona rikoodh uu dhigay Tababarihii hore ee kooxda chelsea Jose Mourinho.

Tuchel ayaa chelsea hogaamin doona kulanka maanta hal sano iyo 108 maalin waxana uu final-ka maanta noqon doonaa final-kii 4-aad ee tartamada oo dhan ee uu geeyay kooxda.

Kaliya Jose Mourinho ayaa sidaas sameeyay markii uu ahaa tababaraha kooxda iyada oo tababaraha reer Portugal Blues geeyay Hal FA Cup Final iyo 3 League cup Final.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*