Thomas Tuchel: Man City Way U Qalantay In Ay Badaliso Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa qirtay in Manchester City ay u qalantay inay ku badiso 1-0 kulankii horyaalka premier League ee Ka dhacay Stamford Bridge.

Tuchel ayaa u sheegay BTSports “Waan guuldareysanay ciyaarta City ayaana u qalantay inay guuleysato”.

“Waxaan ku hambalyeeynayaa Guardiola saddexda dhibcood, ka hor goolka, kooxdeena way fiicneyd, laakiin nasiib darro goolka ka dib ma aanan ku filneyn inaan cadaadiska iska yareyno”.

Wuxuu raaciyay: “Bandhiggu ma ahayn mid ku filan, ma aanan ahayn kooxda fiican, goolka kadib cabsida aan ka qabno guuldarada ayaa ka badatay rajadeena guusha, mana garanayo sababta”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Waxaa nalaga dhaliyay gool kubad sare ka yimid, mana awoodin inaan ka faa’ideysanno Lukaku kubadaha dhaadheer, waxaan dareemnay intii ciyaarta socotay inaan si fudud kubbada u luminay, inta badan waxaa naga maqan xoog iyo geesinimo”.

Tochel ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Ma geli karno kulan sidan oo kale ah waliba aan filano in aan natiijo helno marka la eego qaab ciyaareedkaan, waana inaan ka shaqeynaa sidii loo sixi lahaa khaladaadka, sababtoo ah Manchester City waxa ay ahayd kooxda fiican waliba naga awood badan”.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*