Thomas Tuchel: Koox Walba Way Naga Cabsanaysaa Champions League, Ma Jirto Koox Doonaysa In Ay Nagu Aado.

Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in ay kooxdiisa chelsea tahay kooxda sida weyn looga cabsanayo in lagu aado wareega 8 Dhamaadka champions Leageu.

Tababare Thomas Tuchel ayaa sidoo kale sheegay in ay kooxdiisu haatan tahay kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga champions league xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Atletico madrid kulankii lugta 2-aad.

Blues ayaa haatan sugaysa isku aadka wareega 8 Dhamaadka dhici doona maalinta jimcaha xilli ay gaadhay wareega 8 dhamaadka markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2014.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aan dareensanahay in aan u qalano”ayuu Tuchel yidhi.

“Waxa ugu muhiimsan ee aan ka jawaabno ayaa ah in ay wiilashu qabteen shaqo fiican iyo qaab ciyaareed heer sare ah”.

“Waxa ay u ciyaareen si fiican natiijooyinka kulamadan oo kalena waxa ay naga caawnayaan in aan helno wax fiican”.

“Waxa aan hubaa in ayna jirin koox doonaysa inay naga hor timaado ama nala ciyaarto sababta oo ah koox walba way naga cabsanaysaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*