Thomas Tuchel Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Ballon d’Or-ka Sanadkan, Mana Ahan Ronaldo & Messi

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa aaminsan in Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ‘uu u qalmo ku guuleysiga Ballon d’Or’ ka dib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay kooxdiisa iyo dalkiisa.

29 jirkaan ayaa kula guuleystay Chelsea Champions League dhammaadkii bishii May, ka hor inta uusan door muhiim ah ka ciyaarin ku guulaysigii xulka qarankiisa euro 2020 wuxuuna ka mid yahay 30-ka xiddig ee u sharaxan Ballon d’Or.

Xiddiga Lionel Messi ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta markii 7-aad laakiin Tuchel ayaa aaminsan in uu Jorginho u qalmo in la siiyo abaalmarinta marka la shaacinayo 29 bisha Nevember.

“Jorginho wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or,’ ayuu yiri tababaraha chelsea.

‘Waa ciyaaryahan aad u caqli badan waana ku faraxsanahay inaan noqdo tababarihiisa.’

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*