Thomas Tuchel: Chelsea Waxba Ma ahan Cristiano Ronaldo La’aan

Thomas Tuchel ayaa qiray in kooxda Juventus ay tahay in loo arko koox daciif ah xilli ciyaareedkan, kadib markii ay waayeen Cristiano Ronaldo.

Kooxda Tuchel ayaa la ciyaari doonta kooxda Juventus kulan ka tirsan wareega Group-yada champions League waxana uu tababaraha reer Germany sheegay in ay Juventus u jabtay Cristiano Ronaldo.

Kooxda Juventus ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo si weyn u tabay bixitaanka Cristiano Ronaldo kaas oo ka tagay kooxda kuna biiray kooxda Man United.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wax qarsoon ma ahan in la’aanta Cristiano ay Juventus tahay koox diciif ah, Ronaldo waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka, waxa ay waayeen guulayste weyn”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*