Thomas Tucel Oo Ka War Bixiyay Xaalada Thiago Silva Kadib Markii Uu Dhaawac Uga Baxay Kulankii Tottenham.

Tababaraaha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka warbixiyay xaalada daafaca Thiago Silva kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii Tottenham ee Premier League.

Daafaca dhexe ee Thiago Silva ayaa ciyaarta ka baxay daqiiqadii 36-aad kadib markii uu dhaawacmay iyada oo ayna cidna u dhawayn.

Thiago Silva ayaa lagu badalay Andreas Christensen kaas oo dhamaystay intii ka dhimanayd ciyaarta waliba si fiican u ciyaaray.

“Waxa uu noqon doonaa wakhti aad u yar, Axada, waxa aan kaliya haysanaa 2 maalin laakiin way adagtahayin aan haatan kuu sheego dhaawaca saxda ah laakiin waxa uu u muuqday dhaawac muruq ah”.

“Waxa aan eegi doonaa saacadaha soo soscda si aan u xaqiijino nooca dhaawaca laakiin waxan u malaynayaa in uu shaki ku jiro kulanka axda uma malaynayo in uu ciyaari karo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*