Thomas Partey Oo Magacaabay 5-ta Halyeey Ee Arsenal Ah Ee Uu Jeclaa.

Thomas Partey ayaa magacaabay Shan Halyeey oo Arsenal ah oo uu jeclaa markii uu yaraa oo ay ku jiraan Patrick Vieira iyo Thierry Henry.

Arsena ayaa la soo saxiixatay Partey maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga kadib markii ay kooxdu bixisay lacagtii 45-ka ahayd ee lagu bur-buranayay heshiiskiiisa.

Xiddiga 27 jirka ayaa sheegay in uu arsenal muddo dheer taageero u ahaa waliba daawanayay xilli ciyaareedkii ay Arsenal guuldaro la’aanta ku qaaday horyaalka xilli ciyaareedkii 2003/2004.

“Waan faraxsanahay waa wax iga dhigaya mid fiican, waxa aan dareemayaa in aan muhiim ah in aan halkan joogo”ayuu Partey yidhi.

“Waxa aan arsenal la socday muddo dheer, markii aan da’yarka ahaa waxa aan daawan jiray kulamo badan oo Arsenal ah xitaa markii ay guuldaro la’aanta ku qaadene horyaalka sanadkii 2004, waxa ay ahaayeen kuwo fiicna”.

“Waxa halkan ka ciyaaray xiddigo badan oo waaweyn, waxa aan taageeri jiray xiddigaha Ian Wright Thierry Henry, Patrick Vieira, Pires, Bergkamp”.

Sii Akhriso: XASAASI: Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland Oo Ku Biiray Ciidamada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*