Thomas Partey Oo Kashifay Qaabka Ay U Garaaci Karaan Man United Kulanka Axada.

Xiddiga cusub ee kooxda Arsenal ee Thomas Partey ayaa fikirkiisa ka dhiibtay qaabka ay kooxdiisu u garaaci karto Man United kulanka adag ee Axada kana tirsan premier League.

Thomas Partey oo Arsenal ku soo biiray maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ayaa ahaa kayd aan la Isticmaalin kulankii Europa League.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa isha ku haya kulanka uu ka hor tagi doono kooxda Man United waxana uu Gunners ku taageeray in ay 3-da dhibcood kala yimaadaan Old Trafford.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Man United waa koox weyn oo leh xiddigo fiican oo muhiim ah”.

“Hadii aan qabano shaqadeena, hadii aan u dagaalano dhibcaha, hadii aan cadaadi weyn saarno waxa aan ka soo qaadan karnaa 3-da dhibcood”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*