Thomas Partey Oo Kashifay Doorkii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Ka Qaatay Ku Biiristiisa Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee cusub ee kooxda Arsenal ee Thomas Partey ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii cusbaa ee ay Arsenal ka saxiixatay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang uu ku qanciyay in uu ku soo biiro Arsenal suuqii xagaaga.

Kadib markii ay xaagaagii oo dhan ku raad joogtay Arsenal ayaa maalintii ugu dambaysay bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska Thomas Partey.

Xiddiga ayaana haatan qirtay in heshiiskii cusbaa ee ay Gunners ka saxiixatay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang in ay ku qancisay in uu ku biiro kooxda.

“Haa” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay in joogistii Pierre-Emerick Aubameyang ee kooxda Arsenal ku qancisay in uu ku biiro Arsenal.

“Waxa ay iga caawisay in aan fahmo hamiga kooxda iyo waliba in ay doonayso in ay guulu waaweyn gaadho waliba haysato xiddigaha ugu fiican kooxda”.

Thomas Partey ayaa haatan rajaynaya in uu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaro kooxda Arsenal todobaadka dambe marka ay Gunners la ciyaari doonto West Ham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*