Thomas Partey Oo Hal Shardi Ku Xidhay Ku Biiristiisa Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda Arsenal ka dalbaday mushahar dhan 10 milyan oo euro sanadkii si uu ugu biiro Arsenal xagaagan.

Xiddiga reer Ghana ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin Gunners ayaa diidan in ay bixiso lacagta 50 milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Arsenal ayaa arintaas badalkeeda u soo bandhigtay xiddigaha Alexandre Lacazette iyo Mateo Guendouzi si ay uga qayb ahaadaan heshiiska.

Wargayska The Athletic ayaa dhanka kale sheegaya in uu Partey Arsenal ka dalbaday lacag dhan 200 kun oo Gini todobaadkii taas oo ka dhigaysa xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*