Thomas Partey Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal.

Thomas Partey ayaa fariintii ugu horaysay u diray taageerayaasha kooxda Arsenal kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Ateltico Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Ghana ayaa Arsenal ku soo biiray maalintii ugu dambaysay ee suuqa kala iibsiga kadib markii ay Gunners bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Kdib markii uu kooxda Atletico u saftay in ka badan 200 oo Kulan taageerayaasha ayaa si weyn ugu faraxsan saxiixa xiddiga 27 jirka ah.

Xiddiga khadka dhexe ayaana fariin u diray kadib markii uu noqday xiddig Gnners ah.

Isaga oo la hadlaya Tv-ga Arsenal ayuu ydihi”Nabadeey, Gunners!”.

“Waan ku mahadsantihiin jacaylka aad ii muujiseen iyo fariimihii aan helay waan sugi laayahay in aan in aan idinka qayb noqdo, waan sugi laayahay in aan kooxda inteeda kale ku biiro”.

“Waa farxad weyn in aan ka qayb noqdo qoyska Arsenal, waan u mahad celinaya qof walba”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*