Thomas Partey Oo Amaan Ugu Qubeeyay Martin Odegaard

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Martin Odegaard kaas oo amaah ugu soo biiray kooxda suuqii January.

Martin Odegaard ayaa Arsenal ku soo biiray suuqii January isaga oo kooxda ku yimid heshiis amaah ah oo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah.

Xiddiga reer Norway ayaa laba kulan oo uu kaydka ka soo kacay u saftay kooxda Arsenal isaga oo ciyaaray 32 daqiiqo intii uu joogay kooxda.

Inkasta oo uuna ciyaarin daqiiqado badan hadana xiddiga Partey ayaa la dhacay xiddiga iyo wixii uu soo qabtay ka hor intii uuna Arsenal iman.

“Way adagtahay in laga hor tago isaga”ayuu Partey u sheegay Stadium Astro.

“Waxa aan xasuustaa markii aan ka hor tagay horyaalka La Liga mar walba waxa uu ahaa mid deg-deg badan oo kubada aan in badan lugta ku hayn, marna kuma siinayo fursad aad kubada uga qaado”.

“Waa wax fiican in uu Arsenal nala joogo, waxa aan rajaynayaa in uu naga caawiyo u jeedkeena xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*