Thomas Muller Oo Ka Fal Celiyay Wararka Sheegaya In Uu Sadio Mane Ku Biirayo Bayern Munich.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa ka hadlay warar sheegaya in uu Sadio Mane ku biiri doono Bayern Munich suuqa xagaaga.

Mane ayaa sheegay in uu go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa Liverpool kadib Final-ka champions League.

Heshiiska Mane ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana la sheegayaa in uu doonayo in uu isaga tago Liverpool si uu tartan cusub u raadsado.

Bayern Munich ayaa la sheegayaa in ay haatanba wadahadalo la qaadatay wakiilada Mane isla markaas xiddigu doonayo in uu ku biiro kooxda reer Germany.

Muller ayaa ka fal celiyay wararka Mane la xidhiidhinaya Bayern Munich isaga oo sheegay in uuna rumaysan doonin wax walba oo ay wargaysyadu qoraan.

“Hadii lala xidhiidhiyo Bayern xidd kasta, waxa aan helo doonaa 45 xiddig saand kasta”ayuu Muller u sheegay BILD.

“Waxa aan iman doonaa tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka kadib waxa aan arki doonaa cida ku soo biirta kooxda”ayuu sii raaciyay.