Thierry Henry Oo U Mahad Celiyay Inter Iyo Barcelona, Sabab.

Halyeeyga Arsenal, Thierry Henry ayaa muujiyay farxad ka dib markii uu daawaday Inter Milan lugta labaad ee semi-finalka Champions League ay la ciyaartay Barcelona.

Henry ayaa u mahad celiyay labada kooxood sidii wacneyd ee ay ku soo bandhigeen garoonka San Siro.

Xusuuso in Inter ay 4-3 ku garaacday Barcelona si ay ugu soo baxdo finalka isku cel celis ahaan 7-6.

Isagoo ka hadlayay ciyaarta ka dib, Henry, weeraryahankii hore ee Barcelona, ​​ayaa yiri”“Waan ku caajisay daawashada kubada cagta hal ama labadii sano ee la soo dhaafay, waan caajisay”

“Kulankii Inter Iyo Barca waa sababta aan u jeclahay kubada cagta, waana sababta aan dhamaanteen u jecelnahay kubada cagta, tani waa waxa aan rabno inaan aragno, waxaan dooneynaa inaan aragno kooxo is weeraraya”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga