
Thierry Henry ayaa u sheegay xiddigaha Arsenal in ayna iman garoonka kulanka 8 dhamaadka ay la ciyaari doonaan Real Madrid hadii ayna rumaysanayn in ay ka badin karaan Real Madrid.
Real Madrid oo ah kooxda difaacanaysa koobka ayaa la ciyaari doonta Arsenal 8 dhamaadka champions League kulan la filayo in uu noqdo mid xiiso leh.
Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal wajahdo Real Madrid kulan Rasmi ah ayaa ahayd 2006 waxana ay Arsenal ku badisay 1/0 kulan ka dhacay Bernabue Henry ayaana ka qayb ahaa kooxdaas.
Markii la waydiiyay hadii ay Arsenal garaaci karto Arsenal ayuu Henry yidhi”Waa in aad taas rumaysnaan kartaa”.
“Horay ayaan u arkay xaaladan oo kale iyada oo koox aan lahayn xiddigo fiican ay ku aadeen Real Madrid, hadii aan runta sheego markii aan ku aadnay Real Madrid cid walba way qososhay gaar ahaan Spain”.
“Hadii aanad rumaysnayn in aan ka badin karto Real Madrid waliba haystaan koox kaa fiican waa in aanad ciyaartaba galin hadii aanad rumaysnayn in aad ka badin kartid”.
“Halka wado ee aan aaminsanahay in ay Arsenal kaga badin karto Real Madrid ayaa ah in ay kulanka gasho iyaga oo rumaysan in ay ka badin karaan”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment