Thierry Henry Oo Magacaabay Xiddig Lala Xidhiidhinayo Man United & Chelsea Oo Uu Jecelyahay Daawashadiisa.

Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry ayaa amaanay weeraryahanka RB Leipzig ee Christopher Nkunku, kaasoo lagu soo waramayo inay xiiseynayaan Manchester United iyo Chelsea.

Nkunku, oo 24 jir ah, ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda RB Leipzig ee ka ciyaarta horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan. Waxa uu dhaliyay 35 gool halka uu caawiye ka noqday 20 kale 51 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Henry ayaa la dhacay waxa uu ka arkay xiddiga reer France xilli ciyaareedkan waxana uu u sheegay shabakada CBS Sports.

“Waan jeclahay daawashadiisa goolasha iyo caawinta uu sameeyo, waxa uu xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu dhalinayaa goolal, haatan waxa looga yeedhay xulka qaranka waxana uu haystaa kalsooni buuxda”.

Nkunku ayaa xagaagii lala xidhiidhinayay Man United laakiin waxa uu diiday in uu ku dhaqaaqo halka ay chelsea sidoo kale doonayso saxiixa xiddiga haatan.

Sidoo kale kooxda PSG ayaa sidoo kale haatan xiiso u qabta saxiixa xiddiga reer France kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo.