Thierry Henry Oo Magacaabay Weeraryahanka Ugu Fiican Champions League.

Thierry Henry ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu yahay weeraryahanka ugu fiican Champions League, wuxuuna aaminsan yahay in xiddiga Manchester United ay tahay in lagu ammaano wixii uu ka qabtay xirfadiisa ciyaareed ee ilaa iyo haatan.

Halyeeyga reer Portugal ayaa ku guuleystay abaalmarino shaqsiyeed iyo kooxeed, oo ay ku jiraan shan Champions League ah iyo shan Ballon d’Or oo uu ku soo qaatay United & Real Madrid.

Inkasta oo ay United qaab ciyaareed liita ku jirtay isbuucyadii u danbeysay, Ronaldo ayaa dhaliyay seddex gool seddex kulan oo Premier League ah tan iyo markii uu ku soo laabtay Old Trafford xagaagii.

Henry, oo ah gooldhaliyaha abid ugu goolasha badan Arsenal, ayaa rumeysan in rikoorka Ronaldo uu iskiis u hadlay ka dib markii uu u doortay No.9-ka ugu wanaagsan tartanka horyaallada Yurub.

“Waa inaad ninkan siisaa sumcad badan, waayo? Sababtoo ah si fudud wuxuu ku sameeyay xulka qaranka, waxa uu hadda u sameynayo United”ayuu u sheegay CBS Sports

“Waxa uu U Qabtay Juventus, Real Madrid iyo Man United markii hore waa wax aan la iska indha-tiri karin hadiii aan ka hadlayno No.9, waa inaad ixtiraamtaa”.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*