Thierry Henry Oo Kashifay Qorshaha Maal-Qabeenka Daniel EK Ee Iibsiga Arsenal.

Halyeeyga Arsenal Thierry Henry ayaa shaaca ka qaaday in madaxa shirkadda Spotify Daniel Ek uu weli u hanqal taagayo inuu kooxda ka iibsado KSE.

Ek – oo ah taageere Arsenal ah ayaa doonayay in uu iibsado kooxda Arsenal isaga oo bilowgii sanadkan diyaar la’ahaa 1.8 bilyan euro laakiin  laakiin milkiilayaasha Gunners ee hadda Stan Kroenke iyo Josh Kroenke ayaa diiday.

“Isagoo la hadlayey Sky Sports News, Henry ayaa yiri: “si aad u iibsatid kooxda waxa aad u baahantahay in uu qof dhinaca kale ah kuu jawaabo, laakiin arintaas wali ma dhicin wali, laakiin wali waxa uu xiiso u qabaa iibsiga kooxda”.

“Marka, aan aragno waxa dhici doona. Laakiin waqtigan, waxaan ku raaxeysanay guushii North London Derby, Ma jiro wax wadahadal ah xilligan waxaanna dareemayaa inay noqon doonto geedi socod dheer”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*