Thibaut Courtois Oo Lambar Cusub U Xidhan Doono Real Madrid Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kadib markii uu 2 sano sugay Goolhaye Thibaut Courtois ayaa ugu dambayn Real Madrid u xidhan doona No.1 waxana uu Lambarkaas xidhan doonaa xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo ay Los Blancos doonaysay in ay Thibaut Courtois siiso Lambarka xilli ciyaareedkii hore Hadana waxa ka hor istaagay xeer La Liga ah.

Ku laabashada Goolhaye Alphonse Areola ee PSG ayaa haatan baneeyay Lambarkaas kadib markii uu dhamaystay heshiiskiiskii amaahda ahaa.

Dhanka kale Coutios oo baneeyay Lambarka No.13 ayaa la siin doonaa Goolhayaha da’yarka ah ee Andriy Lunin kaas oo ku soo laaban doona kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*