Thibaut Courtois Oo Bar-Bareeyay Rikoodh La Dhigay 66 Sano Ka Hor.

Thibaut Courtois ayaa door wanaagsan ka ciyaaray ku guulaysiga Real Madrid ee horyaalka La Liga isaga oo kooxda kula guulaystay horyaalkiisii ugu horeeyay waxana uu bar-bareeyay rikoodh taagnaa 66 sano gaar ahaan tan ilaa sanadkii 1954.

Kadib Ku guulaysiga hroyaalka la Liga Goolhayaha reer Belguim ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Horyaalkaa La Liga kula guulaysta kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Courtois Ayaa horyaalka La Liga kula soo guulaystay kooxda Atletico Madrid ka hor intii uuna ku soo biirin Real Madrod.

Perez-Paya ayaa dhankiisa dhigay Rikoodhka kadib markii uu 14 Gool u dhaliyay Atletico Madrid horyaalkana kula guulaystay sanadkii 1951.

Courtois ayaa ka mid ah sababaha ay Real Madrid ugu guulaystay horyaalka isaga oo laga dhaliyay kaliya 20 gool 34 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan kuna dhaw gacanta dahabka ah ee goolhayaha ugu fiican.

Sii Akhriso: Somaliland Guul Ayay Ka Soo Hoysay Wadahadaladii Somalia Halkan Arin Ayaana Cadayn U Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*