Thiago Silva Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea Kadib Dhaawacyadii Soo Gaadhay.

Daafaca dhexe ee Thiago Silva ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawyahay in uu qalinka ku duugo heshiis hal sano ah oo uu ku sii joogi doono Blues.

Xiddiga reer Brazil ayaa markii hore saxiixay heshiis hal sano ah markii uu chelsea ugu soo biiray qaab xor ah waxana uu ku soo bandhigay kooxda qaab ciyaareed xun.

Laakiin Silva ayaa dhaawacyo la dhibaatooday qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan kadib markii uu si fiican u ciyaaray qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa haysta 12 bilood oo ku jira heshiiska xiddiga kana saxiixan karto hadii uu xiddigu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Wargayska Metro ayaa haatan sheegaya in ay chelsea dhaqan galinayso halkii sano ee dookha ahaa xiddiga ayaana la sheegayaa in uu ogolyahay in uu qalinka ku duugo heshiiskaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*