
Daafaca kooxda Fluminense Thiago Silva ayaa kalsooni ku qaba inuu semi-finalka koobka kooxaha aduunka la ciyaari doono kooxdiisii hore ee Chelsea.
Thiago Silva ayaa Chelsea kula guuleystay Champions League, wuxuuna hadda hal kulan u jiraa inuu gaaro finalka Koobka Kooxaha Adduunka.
Wuxuu yiri: “Waxaan isku dayayaa inaan ka caawiyo shaqaalaha tababarka faahfaahin yar yar, waxyaabaha naga dhex jiri doona. Waxaan horey u sheegay inaan joogey London waqti aan aad u fogeyn oo aan booqday caruurteyda, waxaan aaday tababaro qaar, waad ogtahay”
“Si fiican uma garanayo (Enzo) Maresca, laakiin waan garanayaa ciyaartoy badan oo halkaas jooga, si qurux badan ayaan ula hadlaa usbuuc walba, qaarkood runtii aniga ayay igu dhow yihiin.
“Waan ku faraxsanahay inaan haysto kulankaan, waxayna ii noqon doontaa maalin qaas ah, laakiin waxay noqon doontaa mid ka sii gaar ah haddii aan awoodno inaan gudubno.”
Be the first to comment