Thiago, Aubameyang, Ronaldo, Havertz, Torriera & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay uruuriso lacag dhan 65 milyan oo euro oo ay ka uruurinayo iibinta xiddigaha kooxda jooga si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice (Star).

Dhanka kale tababaraha kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in uuna marna ka niyad jabi doonin hadii uu Willian ku biiro Arsenal xagaagan (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa dalab 14 milyan ah ku tijaabinaysa go’aanka Man City ee ku aadan musatqbalka daagaca baxsadka ka ah kooxda ee Eric Garcia (Gola).

Milkiilaha kooxda Juventus Andrea Angelli ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Cristiano Ronaldo ka tagi doono kooxda kadib markii Juventus laga reebay champions League (Sky Italia).

Xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz aya la filayaa in uu Chelsea ku soo biiro bilowga todobaadka dambe (Star).

Kooxda Ac Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Lucas Torriera (Telegraph).

Xiddiga kooxda Watford ee Ismaila Sarr ayaa hogaaminaya Liiska xiddigaha ay Liverpool doonayso xagaagan (Echo).

Kooxda Man United ayaa si lama filaan ah u doonaysa saxiixa Goolhayaha kooxda Napoli ee Alex Meret (Star).

Kooxda Tottenham ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Inter Milan oo ay ka doonayso daafaca Milan Skriniar (Tuttosport).

Kooxaha Arsenal, Juventus iyo Man City ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar (L’Equipe).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay 100 milyan ku soo xero galiso xiddigaha Thomas Partey, Gabriel Magalhaes & Dani Ceballos (Sun).

Xididga Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Valencia sanadkii 2006 kadib markii ay isku dheceen Wayne Rooney koobkii adduunka sanadkaas (Mirror).

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku dhaw in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo Arsenal ah isaga oo meel saaraya mustaqbalkiisa (Express).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara (Echo).

Sii Akhriso: Nin Somali Ah Oo Ku Nool Maraykanka Oo Lagu Xukumay 40 Sano Oo Jeel Ah, Sabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*