Thiago Alcantara Oo Qaaday Talaabo U Dhawaynaysa Ku Biirista Liverpool, Muxuu Sameeyay?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa lagu soo waramayaa in uu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa si uu ugu qasbo in laga iibiyo kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska reer Germany ee Abendzeitung ayaa haatan sheegaya in uu Thiago Alcantara warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka Bayern Munich si uu ugu qabso in uu ku biiro Liverpool.

Thiago Alcantara ayaa bartilmaameed u ah Liverpool Todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo uu Klopp doonayo in uu xiddiga ku xoojiyo khadkiisa dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Bayern Munich ayaa horay u xaqiijisay in ay iska iibin doonaan xiddiga suuqa xagaaga laakiin kooxda ayaa diidan in ay Liverpool ka aqbasho wax ka yar 30 milyan oo euro.

Sidaas darteed wargayska ayaa sheegaya in uu Thiago Alcantara Bayern Munich u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Liverpool waliba ay aqbasho dalabka ay Reds ka soo gudbisay.

Thiago Alcantara ayaa Bayern Munich kula jira heshiis dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Liverpool kaliyana sugayo in ay labada kooxood ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*