Thiago Alcantara Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Liverpool Dib Ugu Soo Celin Kara Gool Dhalinta.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa magacaabay 3 xiddig oo Liverpool ah oo goolal u dhalin kara Reds kadib markii ay kooxdu bilaa goolal baxday 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro bilaa goolal ah la gashay kooxda Man United Axadii iyaga oo aan mar kale wax goolal ah dhalin.

Xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino ayaa mar kale ka fogaa qaab ciyaareedkooda iyo gool dhalinta iyaga oo aan si fiican u ciyaarin.

Laakiin Thiago ayaa sheegay in ayna gool dhalinta Liverpool kaliya dusha ka saarnayn 3-da xiddig ee Salah, Mane iyo Frimino laakiin jiraan xiddigo kale oo goolal u dhalin kara Liverpool.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Marka aan eego xiddigaha kooxda jooga kaliya xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino dusha kama saarna masuuliyada gool dhalinta laakiin waxa jira 3 xiddig oo goolal dhalin kara”.

Xiddigaha Shaqiri, Origi iyo Minamino sidoo kale waxa ay dhalin karaan goolal, sidoo kale xiddigaha khadka dhexe iyo weerarkuba way dhalin karaan goolal”ayuu sii raaciyay.

“Kaliya arintu waxa ay ku xidhantahay fursad abuurista iyo in ay xiddigaha weerarka jooga dhamaystiraan fursadahaad”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*