Thiago Alcantara Oo La Bar-Bar Dhigay Xiddig U Soo Ciyaaray Liverpool.

Daafacii hore ee Liverpool Jose Enrique ayaa rumeysan in Thiago Alcantara uu saameyn la mid ah midii uu Philippe Coutinho ku yeeshay kooxda Liverpool.

Reds ayaa Thiago kala soo wareegtay kooxda Bayern Munich bishii hore waxana laga filayaa waxyaabo waaweyn kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa 45 daqiiqo u ciyaaray liverpool kulankii ay garaacday chelsea bishii September laakiin wax kulan kale ah uma ciyaarin sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Laakiin xiddiga ayaa ku soo laabtay tababarka waxana la filayaa in uu kulankiisii ugu horeeyay ee Liverpool ku bilowdo sabtida kulanka Everton.

Isagoo la hadlaya Daily Mail, Enrique ayaa sheegay in uu aaminsanayahay in uu Thiago Liverpool ku yeelan karo saamayntii uu Coutinho ku yeeshay Liverpool markii uu xiddiga reer Brazil kaga soo biiray Inter Milan sanadkii 2013.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi” Wa xiddig cajiib ah, waa xiddig khadka dhexe oo heer sare ah laakiin sidoo kale waa mid sixiroole ah sidii Philippe Coutinho”.

“Waxa aan arki karaa in uu khadka dhexe ee Liverpool kaga garab ciyaaro Jordan Henderson & Fabinho waliba kooxda siin karo wax ayna haysan”.

Sii Akhriso: XASAASI: Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland Oo Ku Biiray Ciidamada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*