Ciyaaryahankii hore ee Arsenal, Theo Walcott, ayaa sheegay in kooxda ay ahayd inay sannado badan ka hor saxiixdaan Bryan Mbeumo.
Walcott wuxuu ku sifeeyay weeraryahanka reer Cameroon inuu “xoojin cajiib ah” u yahay Manchester United.
Manchester United ayaa £62.5 milyan kaga soo iibsatay Matheus Cunha kooxda Wolves, halka Bryan Mbeumo uu kaga soo biiray Brighton lacag dhan £71 milyan. Kooxda sidoo kale waxay la soo saxiixatay Benjamin Šeško, Senne Lammens, iyo Diego León.
Ciyaartoyda cusub ayaa si weyn uga caawinaya kooxda uu hogaamiyo Rúben Amorim, kuwaas oo haatan ku jira silsilad guulo oo saddex kulan oo xiriir ah.
Isagoo ka hadlayay guushii dhowaan Manchester United ka gaartay Brighton, halkaas oo Mbeumo labo gool dhaliyay, Theo Walcott ayaa u sheegay barnaamijka It’s Called Soccer isagoo yiri:
“Waxaad arkeysaa Cunha oo soo laabanaya isla markaana difaacaya, iyo Mbeumo oo aan u arko inuu yahay ciyaaryahan heer sare ah.
Markaad eegto ciyaartoyda ka imaanaya meel ka baxsan Premier League-ka, badanaa waxay u baahan yihiin waqti ay ku la qabsadaan. Laakiin wiilashan [sida Mbeumo] waxaa lagu sameeyay kubadda cagta ee Premier League-ka.”
“Waxaan aaminsanahay in Mbeumo uu ahaa ciyaaryahan cajiib ah, waana ciyaaryahan ay Arsenal ahayd inay sannado badan ka hor iibsato.”
Be the first to comment