Theo Hernandez Oo Ka Jawaabay Xiisaha Man City Ee Saxiixiisa?

Daafaca AC Milan Theo Hernandez ayaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Manchester City suuqa soo socda.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Ac Milan xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 7 gool 6 kalena caawiye ka noqday 33 kulan oo uu u ciyaaray Milan Serie A-da.

Qaab ciyaareedka Theo Hernandez ayaa soo jiitay indhaha kooxda Man City kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan daafaca laakiin xiddiga reer France ayaa sheegay in uu diirada saarayo kooxda Ac Milan.

Isagoo la hadlayay Telefoot, Hernandez ayaa yidhi”Aad ayaan ugu faraxsanahay Milan, laga soo bilaabo maalintii koowaad waxay ahayd shucuur la yaab leh inaan xirto maaliyadan maalin walbana waan ku faanayaa”.

“Waxa aan nahay koox adag oo diyaar ah waxana aan u shaqaynyaa si adag ai aan u gaarno u jeedkeena”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*