Theo Hernandez Oo Iska Diiday Kooxaha Chelsea, Manchester City & Paris Saint-Germain’

Daafaca bidix ee AC Milan Theo Hernandez ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxaha Chelsea, Manchester City ama Paris Saint-Germain.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo Ac Milan u dhaliyay 4 gool 5 kalena caawiye ka noqday 22 kulan oo uu ciyaaray.

Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay Hernandez u calaamadsatay badalka Ben Chiwlell xilli ay Man City iyo PSG yihiin kuwo si dhaw ula socda xaalada xiddiga reer france.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Calciomercato, Hernandez ayaa doortay in uu iska diido kooxaha doonaya saxiixiisa isaga oo doorbidaya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Ac Milan.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Ac Milan qarka u saarantahay in ay heshiis cusub ka saixixato xiddiga kaas oo qalinka ku duugi doona heshiis cusub oo 5 sano ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*