The Sun: Kai Havertz Oo Ku Xasilay Kooxda Uu U Wareegayo Xagaagaan

Xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz ayaa lagu waramayaa in uu ku xasilay halka uu wajiga saarayo xagaaga xilli dhowr koox ay wada baacsanayeen .

Bayern Munich oo muddo dooneysa kooxdaas ayaa la xusayaa in ay ka baxeen baacsigiisa halka Liverpool ay sheegeen in ay adag tahay in ay xagaagaan helaan laacibkaas sababo la xariira dhanka maaliyadda .

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Kai Havertz uu qaatay go`aanka ku aadan mustaqbalkiisa waliba uu ku xasilay .

Wargeyskaas waxa uu tilmaamayaa in uu go`aansaday in uu aado Chelsea waliba inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Chelsea aad ayay u dooneysaa laacibkaas waliba waxaa la leeyahay waxa ay ku qanciyeen in la siinayo hishiis gaaraya illaa iyo xaghaaga 2025-ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*