Tarteenka Messi Ee Rikoor Dhigista Weli Wuu Socdaa.

Messi ayaa weli wada sameynta rikooro cusub oo ku soo kordhaya aayihiisa kubadda cagta

Xalay waxa uu dhaliyay gool kulankii Barca ay 2/1 ku garaaceen kooxda Rayo Valcano oo ay ugu gudbeen wareegga 8-da ee Cope Del Rey .

Shabakada xoogaha ciyaaraha qorta ee Opte waxa ay leeahay , Messi waxa uu dhaliyay 15 gool ugu yaraan 15 kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada

Messi sidoo kale waxa uu goolkaas u noqday kiisii 15-aad ee xilli ciiyaareedkaan , waxa uu laacibkaan ciyaaray 23 kulan iyadoo uu ku dhaliyay 11 oo La Ligaha ah , sedex Champion-ka iyo gool Cope Del Rey ah

Waxaa xusid mudan in Messi uu ka sara maray xiddigii hore Barcelona iyo Real ee Josep Samitier waxa uuna noqday laacibka ugu safashada badan tartanka Cope Del Rey iyadoo uu xalay ciyaaray kulankiisii 76-aad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*