Tartanka UEFA Nations League Oo Meel Xiiso Leh Maraya, Xulalka Soo Baxay, Xulalka Hadhay & Xulalka U Dagaalamaya Soo Baxaya.

Tartanka UEFA Nations League ayaa meel xiiso iyo xamaasad leh maraya ilaa haatan xilli ciyaareedkan iyada oo uu hadhay kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada.

Group-ka A ayaa ah midka ugu xiisaha badan maadama uu yahay Group-ka ay isaga hor yimaadeen kooxaha ugu awooda badan xulalka qaramada yurub.

Xulalka Portugal iyo England oo sanadkii hore gaadhay Semi-final-ka tartanka ayaa ku hadhay wareega Group-yada kadib guuldarooyin ay la kulmeen.

Xulka Portugal ayaa guuldaro kala kulmay xulka France kaas oo haatanba iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka UEFA Nations League ee xilli ciyaareedkan kadib markii haatanba lagu kala baxay Group-ka 3-aad ee League A.

Dhanka xulka England ayaa dhakiisa ka hadhay tartanka kadib guuldaro uu xalay kala kulmay xulka Qaranka Belguim kaas oo kaliya Semi-final-ka tartanka iska xaadirin doona maalinta Arbacada Group-ka 2-aad ee League 2.

Waxa aan wali lagu kala bixin Group-yada 1 iyo 4 ee League A kuwaas oo lagu kala bixi doono maalinta ugu dambaysa ee tartanka.

Hadii aynku ka bilowno League A Group 1 waxa isku dhagan xulalka Italy, Holland iyo Poland kuwaas oo kaliya kala dambeeya 3 dhibcood sidaasna ku gali doona kulanka ugu dambeeya.

Xulka Italy oo 9 dhibcood ku hogaaminaya Group-ka ayaa kaliya u baahan guul ay ka gaadhaan xulka Qaranka Bosnia halka labada xul ee Holland iyo Poland ay u baahanyihiin in uu midkood badiyo waliba rajeeyaan in laga badiyo xulka Italy.

Hadii aynu eegno League A Group 4 Waxa isku dhagan labada xul ee Germany iyo Spain kuwaas oo kala horeeya hal dhibic sidaas darteed iyaga ayaa wada ciyaari doona Arbacada midkooda badiya ayaana iska xaadirin doona wareega Semi-final-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*