Tartanka SONYO Cup Ee Garoonka Hargiesa Staduim Oo Lagu Kala Baxay & Kooxda Maaliyada Oo Guul Weyn Ku Hanatay Koobka.

Waxa maanta si Rasmi ah Magaalada Hargiesa gaar ahaan Garoonka Hargiesa Staduim lagu oo xidhay tartankii 2-da bilood socday ee SONYO Cup 2020 iyada oo la ciyaaray Final-ka tartanka sanadka 2020.

Kulanka ayay isaga hor yimaadeen laba kooxood ee maaliyada iyo waliba Gaashaan  oo awood leh oo iska xaadiriyay Final-ka tartanka markii ugu horaysay taariikhdooda.

Labada kooxood ayaa markii ugu horaysay isku arkay kulan Final ah iyada oo kooxda maaliyada ka soo baxday Group-ka C halka Gaashaan ka soo baxday Group-ka A.

Kooxda Maaliyada ayaa si qurux badan ugu guulaystay Koobka SONYO 2020 kulan ay u awood sheegteen kooxda Gaashaan.

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Maaliyadu awood badnayd waliba ka qaab ciyaareed fiicnayd kooxda Gaashaan.

Kooxda Maaliyada ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga u xidha lambarka No.17 ee Cabdalle Cumar Maxamed  kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Maaliyadu baxday iyaga oo hogaaminaya ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay kooxda maaliyadu ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro waali ah oo ay ku doonayeen goolal ay dhaliyaan.

Daqiiqadii 57-aad ayay Kooxda Maaliyadu dhalisay goolkii 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga cabdishakuur culusay kaas oo hogaanka u dhexeeyay kooxdiisa.

3 Daqiiqo kadib gaar ahaan daqiiqadii 60-aad ayay kooxda Maaliyadu dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga jamaal Chicharito kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Maaliyada Ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 67-aad dhaliyeen goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Super Mario Bahdoon kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Daqiiqadii 73-aad ayaa kaadhka cas loo taagay Goolhayaha kooxda Gaadhaan ee Cabdiqani Caynaan kaas oo khalad ku galay xiddiga Super Mario Bahdoon.

Kooxda Maaliyada ayaa daqiiqadii 83-aad dhalisay Goolka 5-aad ee Ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Maxamed Jaamac kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Maaliyadu koobka SONYO 2020 Cup ku qaaday Guul Taariikhi ah kadib markii ay 5/0 ugu awood sheegteen kooxda Gaashaan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*