Tartanka Gooldhalinta Koobka Kooxaha Adduunka Ka Hor Kulamada Semi-finalka

Weeraryahanka Real Madrid, Gonzalo Garcia ayaa ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya tartanka FIFA Club World Cup ee ka socda Mareykanka.

Garcia ayaa dhaliyay afar gool ka dib markii uu gool dhaliyay kulankii ay Real Madrid 3-2 kaga badisay Borussia Dortmund ciyaartii sideed dhamaadka sabtidii.

21-sano jirkaan ayaa hadda la siman xiddigaha Angel di Maria iyo Serhou Guirassy.

Garcia ayaa haatan rajeynaya inuu sii dheereysto goolashiisa marka ay Real Madrid wajihi doonto PSG semi-finalka Arbacada.

Dhanka kale, Chelsea waxay wajihi doontaa Fluminense kulanka kale ee semi-finalka Salaasada.

Gooldhaliyaasha ugu sarreeya Koobka Kooxaha Adduunka ka hor kulamada semi-finalka

4 gool: Garcia, Di Maria, Guirassy iyo

Marcos Leonardo

3 gool: Michael Olise, Phil Foden,

Kenan Yildiz, Erling Haaland, Harry Kane iyo Jamal Musiala.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga