Tartanka Gooldhalinta Koobka Africa Oo Si Cajiib Ah Ku Bilowday

Kabtanka xulka Algeria, Riyad Mahrez, ayaa haatan ah gooldhaliyaha wadaagga ah ee ugu sarreeya tartanka socda ee Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON), kaas oo ka socda dalka Morocco.

Arrintan ayaa timid kaddib markii la soo gabagabeeyay kulammadii ugu horeeyay ee wareegga heerka group-yada ee AFCON, kuwaas oo la ciyaaray Arbacadii.

Mahrez ayaa leh labo gool, wuxuuna kula wadaagayaa hoggaanka gooldhalinta weeraryahanka Senegal ee Nicolas Jackson iyo xiddiga Tunisia ee Elias Achouri.

Garabka hore ee Manchester City, Riyad Mahrez, ayaa laba gool dhaliyay (brace) kulankii ay Algeria 3-0 kaga badisay Sudan Arbacadii, halka Nicolas Jackson uu laba gool ka dhaliyay kulankii Senegal ay kaga adkaatay Botswana Salaasadii, sidoo kalena Elias Achouri uu labo gool dhaliyay guushii ay kooxdiisu ka gaartay Uganda Salaasadii.

Gooldhalayaasha ugu sarreeya AFCON ka hor inta uusan bilaaban wareegga labaad ee kulammada heerka group-yada oo bilaabanaya Jimcaha:

  • Riyad Mahrez (Algeria) 2 Gool
  • Nicolas Jackson (Senegal) 2 Gool
  • Elias Achouri (Tunisia) 2 Gool
  • Lyle Foster (South Africa) 1Gool
  • Semi Ajayi (Nigeria) 1 Gool
  • Ademola Lookman (Nigeria) 1 Gool
  • Amad Diallo (Ivory Coast) 1 Gool
  • Marvin Anieboh (Equatorial Guinea) 1 Gool
  • Mohamed Salah (Egypt) 1 Gool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga