Tartanka Gool Dhalinta UEFA Nations League Oo Meel Xiiso Leh Maraya

Tartanka UEFA Nations League ayaa maraya meel xiiso leh kadib markii la ciyaaray kulamadii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Tartank ayaa xiiso gaar ah u leh xulalka marka loo eego in ay doonayaan ku guulaysiga koobabka xulal kalena doonayaan in ay u soo dalacaan heerka 1-aad.

Gool dhalinta tartanka UEFA Nations League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo tartanka gool dhalinta laga dhex waayay xiddigaha ugu magaca weyn qaarada yurub.

Xiddiga xulka Norway ee Erling Braut Haland ayaa hogaaminaya gool dhalinta Tartanka UEFA Nations League isaga oo dhaliyay 6 kulan 5 kulan oo uu xulkiisu ciyaaray.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga xulka Israel ee Eran Zahavi kaas oo dhaliyay 5 gool kulamada xulka qarankiisu ilaa haatan ciyaaray.

Waxa ku xiga xiddiga Christiano Eriksen kaas oo dhaliyay 4 gool lana goolal ah xiddiga Haris Vuckic kaas oo dhaliyay 4 gool dhalinkiisa.

Hadaba halkan Hoose Kaga Bogo Sida loogu kala sareeyo tartank agool dhalinta tartanka UEFA Nations League:

  1. Erling Braut Haland (Norway) 6 Gool
  2. Eran Zahavi (Israel) 5
  3. Christiano Eriksen (Denmark) 4
  4. Haris Vuckic (Slovenia) 4
  5. Klaemint Olsen (Faroe Islands) 4
  6. Rauno Sappinen (Esonia) 4
  7. Timo Werner (Germany) 4

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*