
Horyaalka Serie A-da ayaa ku sii dhawaanaya in uu dhamaado iyada oo u muuqata in ay kooxda Juventus ku sii dhawaanayso horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.
Laakiin tartanka Gool dhalinta horyaalka Serie A-da ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo uu tartanka gool dhalintu ka dhexeeyo labada xiddig ee Ciro Immobile & Cristiano Ronaldo.
Xiddiga Ciro Immobile ayaa dhaliyay 30 gool kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Juventus xalay isaga oo sii wada wacdaraha xilli ciyaareedkan ee horyaalka Serie A-da.
Dhanka kale Cristiano Ronaldo ayaa dhankiisa 2 gool dhaliyay kulankii Lazio isaga oo dhaliyay haatan gaadhay 30 gool Serie A-da hogaankana la haya xiddiga Ciro Immobile
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha Ugu Goolasha Badan Serie A-da.
Ciro Immobile (Lazio) 30 Gool
Cristiano Ronaldo (Juventus) 30
Romelu Lukaku (Inter Milan) 21
Francesco Caputo (Sassuolo) 18
João Pedro (Cagliari) 18
Duván Zapata (Atalanta) 17
Luis Muriel (Atalanta) 17
Be the first to comment