Tartanka Gool Dhalinta Qaarada Yurub Ee Kabta Dahabka Ah Oo La Ogaaday.

Xilli ciyaareedka 2022/2023 ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo xiddigo badan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa haatan.

Xilli ciyaareedka ayaa ilaa haatan la ciyaaray kulamo aan badnayn laakiin waxa jira xiddigo soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah.

Waxa durba meel xiiso leh maraya gool dhalinta qaarada yurub ee kabta dahabka ah iyaga soo xiddiguhu haatanba dhaliyeen goolal badan.

Xiddiga Man City ee Haaland ayaa hogaaminaya gool dhalinta qaarada yurub iyaga oo dhaliyay 10 gool ilaa haatan kadib 6 kulan oo uu ciyaaray premier league.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Neymar kaas oo dhaliyay 8 gool isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedka Ligue 1.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha u tartamaya gool dhalinta qaarada yurub ee xilli ciyaareedka.

Erling Braut Haaland (Man City) 10 Gool

Neymar (PSG) 8

Kylian Mbappe (PSG) 7

Robert Lewandowski (Barcelona) 6

Aleksandar Mitrović (Fulham) 6

Marko Arnautović (Bologna) 5