Tartanka Gool Dhalinta Prmeier League Kadib Todobaadkii 6-aad Ee Horyaalka

Horyaalka Premier League aya maraya meel xiiso leh kadib markii la ciyaaray todobaadkii 6-aad ee horyaalka todobaadkan.

Tartanka Gool dhalinta horyaalka premier League ayaa dhankiisa maraya meel fiican iyada oo xiddigo badan wacdaro ku bilowdeen horyaalka goolal badana dhaliyeen.

Tartanka Gool dhalinta premier Leageu ayaa ah mid sanad walba midka ka dambeeya xiiso yeesha iyada oo ay ku tartamaan xiddigo kala duwan oo aan ahayn kuwii hore.

Xiddiga kooxda Tottenham ee Son Heung-min ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan isaga oo la goolal ah xiddiga kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin iyaga oo dhaliyay min 7 gool.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Tartanka Gool Dhalinta horyaalka premier League:

  1. Son Heung-min, Tottenham – 7 Gool
  2. Dominic Calvert-Lewin, Everton – 7 Gool
  3. Patrick Bamford, Leeds – 6 Gool
  4. Mohamed Salah, Liverpool – 6 Gool
  5. Jamie Vardy, Leicester City – 6 Gool
  6. Harry Kane, Tottenham – 5 Gool
  7. Wilfried Zaha, Crystal Palace – 5 Gool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*