Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Meel Xiiso & Xamaasad Leh Maraya

Liverpool ayaa haatanba ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan laakiin tartanka gool dhalinta horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa ah mid wali la isku dhaganyahay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubamayeng ayaa hogaanka u qabtay tartanka gool dhalinta kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Norwich City horyaalka.

Jamie Vardy oo ay Abaar goolasha ah ku dhacday kulamadii ugu dambeeyay ayaa dhaliyay 19 gool lana goolal ah xiddiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubamayeng.

Xiddigii hore ee Liverpool ee Danny Ings ayaa dhankiisa xilli ciyaareedkan wacdaro dhigaya isgaa oo Southampton u dhaliyay 18 gool kuna jira kaalinta 2-aad ee tartanka Gool dhalinta.

Xiddiga labadii sano ee ugu dambaysay ku guulaystay gool dhalinta ee Mohamed Salah ayaa wali tartanka ku jira xilli ay kooxdiisu wakhti hore ku guulaystay horyaalka premier League.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa isugu tartanka ku jira laakiin kadib dhaawacii soo gaadhay waxa ay la macno tahay in uu halkaas ku joogsan doono xilli ciyaareedkan.

Xiddigahan Sadio Mane,Tammy Abraham, Raul Jimenez & Raheem Sterling ayaa sidoo kale fursad haysta in ay ku guulaystaan gool dhalinta horyaalka La Liga.

Halkan Kaga Bogo Tartanka Gool Dhalinta Premier League

No.XiddigaKooxdaGoolasha
=1Jamie VardyLeicester City19
=1Pierre-Emerick AubameyangArsenal19
3Danny IngsSouthampton18
4Mohamed SalahLiverpool17
5Sergio AgueroManchester City16
=6Sadio ManeLiverpool15
=6Raul JimenezWolves15
=8Marcus RashfordManchester United14
=8Anthony Martial Manchester United14
=10Tammy AbrahamChelsea 13
=10Dominic Calvert-LewinEverton13
=10Raheem SterlingManchester City13
=10Harry Kane Tottenham13
=14Teemu PukkiNorwich11
=14Chris WoodBurnley11
=14RicharlisonEverton11
=14Kevin De BruyneManchester City11
18Gabriel JesusManchester City10

Sii Akhriso: Warbixintii Ugu Dambaysay Ee Xanuunka Korona & Somaliland & Somalia, Maxaa Cusub?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*