Tartanka Gool Dhalinta Kabta Dahabka Ah Ee Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraysa.

Horyaalada yurub ayaa maraya meel bilow ah laakiin ah mid xiiso leh tan ilaa markii ay bilowdeen laba bil ka hor iyaga oo xiddigo badan qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ku bilowday xilli ciyaareedka halkii uu ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore isaga oo wacdaro dhigaya.

Robert Lewandowski ayaa ilaa haatan dhaliyay 11 gool horyaalka Bundesliga isaga oo ilaa haatan helay 22 dhibcood hogaankana u haya gool dhalinta yurub ee kabta dahabka ah.

Xiddiga kooxda Tottenham ee Heung-min Son ayaa ku jira kaalinta 2-aad isaga oo la goolal ah 3-da xiddig ee premier Leageu ee Dominic Calvert-Lewin, Jamie Vardy Iyo Mohamed Salah kuwaas oo dhamaantood wada dhaliyay 8 gool sidaas darteed leh 16 dhibcood.

Dhanka kale xiddigaha Zlatan Ibrahimovic iyo xiddiga Reims ee Boulaye Dia ayaa dhankooda leh 8 gool ilaa haatan iyo 16 dhibcood.

Hadaba Halkan Hoose Kaga bogo Xiddigaha ilaa haatan ku tartamaya gool dhalinta kabta dahabka ah ee yurub.

XiddigaKooxdaGoolashaDhibcaha
Robert LewandowskiBayern1122
Heung-min SonTottenham816
Dominic Calvert-LewinEverton816
Jamie VardyLeicester816
Mohamed SalahLiverpool816
Zlatan IbrahimovicMilan816
Boulaye DiaReims816
Kylian MbappePSG714
Harry KaneTottenham714
Patrick BamfordLeeds714
Lucas AlarioLeverkusen714
Paul OnuachuGenk913.5
Raphael HolzhauserBeerschot913.5

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*